Calendar

Dowladda oo ka jawaabtay Daminta idaacadda Kulmiye- War-saxaafadeed

somaliemblem1

Radiyo Kulmiye

1. Waxaa Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiintu aad u qiimaysaa xoriyadda saxaafadda gaar ahaan inta ka shaqaysa dalka gudihiisa.

2. Suxifiyiin badan oo ay soo barakiciyeen Khawaarijta Al-Shabaab ayaa shaqo iyo deegaanba ka helay gudaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta iyo meelo kale oo ay ka taliso dawladdu.

3. Mu’asasado warbaahin oo kala duwan ayaa iyaguna ka soo guuray meelaha ay joogaan Khawaarijta Al-shabaab oo hoy iyo amaan ka helay dhulka ay ka taliso dawladda.

4. Radiyo Kulmiye xiritaankiisu wuxuu la xiriiray arrimaha hoos ku faahfaahsan:

a. In lagu eedeeyey Radiyo Kulmiye in uu baahiyey war wax u dhimaya amniga qaranka, gargaarna siinaya Khawaarijta Al-shabaab iyadoo lagu jiro xilli dagaal.

b. In Radiyo Kulmiye uu hawl galay isaga oo aan dawladda ka qaadan wax Ruqsad ah (License).

c. In Radiyo Kulmiye uu ka hawl galay isaga oo aan loo qoondayn Mawjad uu ka hawl galo.

d. In Radiyo Kulmiye uu Siin culus (Tower) dulsaaray sar ay leedahay Dawladda Soomaaliyeed iyaga oo aan arrintaas u qaadan wax idan ah.

e. In Radiyo Kulmiye uu Siin culus (Tower) dulsaaray sar ay leedahay Dawladda Soomaaliyeed iyaga oo aan inta la og yahay wax daraaso ah ka samayn dhibaatada arrinkan kaga iman karta dadka deggan daartan ama dhismaha siinka la saaray.

5. Waxaa maamulka Kulmiye soo codsaday in Wasaaraddu siiso Ruqso (License) ku meel gaar ah oo ay ku hawl galaan inta ay ka soo dhamaystirayaan wixii looga baahnaa oo dhan; baaritaanka arrimaha kale ee lagu haystana ay dhamaanayaan.

6. Wasaaradda ayaa maalin Jimce ah u furtay xafiisyadda Wasaaradda si loogu dhameeyo Raadiyaha codsigiisa waxaana la siisay Radiyaha ruqsad iyo mawjad ku-meel gaar ah inta uu ka soo dhamaystirayo waxyaabaha looga baahanyahay lana dhamaystirayo baadhitaanadda socda.

7. Waxaa nasiib darro ah in laga sheego Radiyo Kulmiye in ayan ilaa iyo hadda ogayn waxa lagu haysto iyo shuruudda ay hawada ugu soo noqdeen toona. 8. Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Radiyo Kulmiye in uu la shaqeeyo Wasaaradda iyo hayadaha amnigaba si uu qayb uga qaato nabadaynta iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: