Calendar

Dowlada Soomaaliya oo ka walaacsan Alshabaab oo dhaqaale balaaran ka helaysa Ilaha dhaqaalaha oo ay Maamulaan.

00000000000000Bartamaha(Qaahira):-Dowlada Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dhaqaale balaarn oo ay Alshabaab ka helayaan Ilaha dhaqaalaha oo ay haystaan.

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele oo ku sugan Qaahira ayaa sheegay in Dowlada laga haysto Ila dhaqaale oo muhiim ah.

Daahir Geele ayaa sheegay in Alshabaab ay ka helaan dhaqaalaha ay ku dagaal galaan Dakadaha iyo Garoomada ay maamulaan oo lacago culus ay ka helaan.

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa uu muujiyay Qatar balaaran oo ka soo wajahan Alshabaab maadaama ay dhaqaale balaaran ka qaataan Dakada Kismaayo iyo Marka islamarkaan ay lacagka qaataan Garoomada kale ee ku yaala gobolada ay maamulaan.

Wasiirka oo la hadlayay Sharqul Awsad ayaa waxa uu u sheegay in Dakadaha iyo garoomada ay Shabaabka maamulan lagala soo dago Hub iyo Saanad ciidan.

Dowlada KMG aha ayaa waxa ay qaati ka joogtaa Alshabaab oo aan lagaran halka sida dhabta ah ay uga helaan dhaqaalaha iyo hubka ay dowlada kula dagaalamayeen muddo sanad ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: