Calendar

Dab Xalay qabsaday Xero Barakacayaasha ay ka daganaayeen Degmada Buuhoodle.

dab boosaasoBartamaha(Buuhoodle):-Dab qasaara badan geystay ayaa waxa uu Xalay ka kacay Xero ay daganaayeen Barakacayaasha oo ku taalay Deegaanka Buuhoodle.

Wararka ayaa sheegaya in Barakacayaasha Xeradooda ay gubatay ay dhanyihiin in ka badan 500-qoys kuwaasi oo gurya la’aan ay soo wajahday mnarkii dabka uu halaagay dhismayaashi ay daganaayeen.

Dabka ayaa waxa uu ka dhashay Jiko raashinka lagu karsanayaayay oo ku taalay qeyb ka mida Xeradaasi ka dib markii uu dabka qabsaday dhismo Cooshad ka samaysan sidaana uu ugu baahay Xeradaasi oo dhan.

Ma jiro qasaara nafeed oo dabkaasi ka dhashay wallow dhibaato gurya la’aan ay ugu weyntahay uu soo wajahay dadka Barakacayaasha ah ee daganaa Xeradaasi kuwaasi oo ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: