Calendar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Qaraxii xalay ka dhacay Mogadisho

BATAMAHA – Afhayeenka Laamaha Amaanka Soomaaliya Qaasin Rooble oo la hadlayey Idaacada VOA laan-teeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay Qaraxa Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qaasin Rooble ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Fashilmay islamarkaana aan laga gaarin hadafkii laga lahaa.
Qaraxa ayuu sheegay in uu ku Geeriyooday Hal Qof oo ahaa Shaqsigii waday Gaariga lagu soo Rakibay Waxyaabaha qarxa sida uu sheegay Afhayeenka Laamaha Amaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex Ruux oo Shacab ah,kuwaa oo goobta ka Ag-dhawaa xiliga uu qaraxa dhacayey.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa u jeedkiisu uu ahaa kulan looga hadlayo Amaanka oo Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ku lahayeen Hottelka City plaze ee Magaalada Muqdisho.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: