Calendar

Dowladda Ingiriiska oo albaabada isugu dhufatay Qunsuliyadii ay ku laheed Kenya

BARTAMAHA – Dawlada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay xirtay qunsuliyada ay ku leedahay magaalada labaad ee ugu weyn ee dalka Kenya ee Mombasa kadib markii  ay soo baxday cabsi la xariirta in Al-Shabab weerari rabaan magaalada Mombasa

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Britain ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Ingiriisku ay albaabada u xirtay qunsuliyada ay ku leedahay mnagaalada Mombasa waxaana ay arrinraani timid kadib markii Ingiriisku helay xog sheegaysa in Xarakadda Al-Shabab ay diyaariyeen weeraro ay ku qaadaan meelo muhiim ah oo Mombasa ku yaala.

Stephen Burns oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda Ingiriisk ayaa asagoo Nairobi jooga waxaa uu wakaaladda wararka Shinwaa ee Shiinaha laga leeyahay in arrimo dhanka amaanka la xariira ay u xireen qunsilayadooda Mombasa waxaana uu intaa ku daray inay ka saareen shaqaalihii qunsliyada ka shaqeynayay oo ay hadda ku sugan yihiin safaaradda Ingiriiska ee Nairobi ku taala.

Afhyeenkaan waxaa uu xusay inay sidoo kale uga digayaan dadka British,ka ah inay tagaan meelaha loo maleyn karo in Shabab weerari karaan sida uu yiri.

Ingiriisku waayahaanba si gaar ah ayuu uga digayay weeraro ay Al-Shabab ka geystaan wadamada geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya dariska la ah.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: