Calendar

Dowladda KMG ah Oo Sheegtay in ay Muqdisho Soo Gaareen Ergooyinka ka Qayb Galaya Shirka wada tashiga oo maanta furmaya

115Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka wadatashiga ah in uu maanta ka furmayo magalaada Muqdisho iyadoo sheegtay ergooyinka kasoo qayb galaya iyo ajandayaasha looga hadli doono waxa ay yihiin.

Wasiirka Warfaafainta, Boostada, iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdu qaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn) oo la hadlay warbaaninta Muqdisho ayaa sheegay in maanta si aad ah loogu diyaar garoobay qabsoomida shirka wadatashiga ah, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ku soo xaadireen dhammaan ergooyinkii ka qayb gali lahaa shirka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in shirka wadatashiga ah in ay ka soo qayb galayaan dhammaan maamullada dalka ka jira sida Soomaaliland, Puntland, Galmudug iyo kuwa kale, waxa uu sheegay in shirka ay ka soo daaheen ergo lagu casuumay arrimo farso awgeed balse ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Wasirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa xusay in ajandayaasha ugu waa weyn ee shirka looga hadli doono ay ka mid tahay sidii Soomaalida oo dhan ay u midoobi lahayd iyo in laga wada hadlo qabyo qoraalka Dastuurka dalka laga hoggaaminayo iyo dowladda wanaaga sidii loogu wada shaqeyn lahaa.

Ugu danbeeytii ayuu tilmaamay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane Jahweyn in shirka uu socon doono muddo laba maalin ah isagoo sheegay in la rajeeynayo in uu soo gabagaboobo 6 bishan.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: