Calendar

Dowladda KMG Oo soo bandhigtay Meydadka Kooxda Al-shabaab Dagaladii Mugadisho ka dhacay

Maydad shababMugadisho/Bartamaha:Dowladda KMG Somaaliya ayaa maanta soo badndhgtay Maydadka Kooxda Al-shabaab kadib dagaalo xoogan oo ku dhexmaray Magaalada Mugadisho iyadoo qasraaha Dagaalka uu geysaty uu sii kordhaya Saacadba saacadda ka danbeeyso.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda FKMG ayaa booqday aaga dagaalka ka dhacay iyagoo soo bandhigay Maydad ay ku tilmaameen inay ka dileen Cidamadii la dagaalamayya Ee Alshabaab.

Inta la ogyahay waxaa dagaalada ku naf wayay 16 Ruux oo ay ubadnaayeen Dhinacyadii ku dagaalamay Mugadisho, wararka ay heshay www.Bartamaha.com ayaa tibaaxaya in 5 kamid ah ay ahaayeen dadka dhintay Shacabka halka  dhaawaca uu kor u dhaafay 30 ruux waa sidaay hadalka u dhigeen Baabuurta daabusha Dhaawacyda Ee Ambalaasta.

Sidoo kale saraakiishii booqatay Goobaha ay dagaalada ka socden ayaa xaqiijiyay inay Alshabaab kala wareegeen Fariisamooyin cusub oo ay dhufaysyo ugu jireen Koxaha diidan Siyaasadda Dewladda Ee Alshabaab.

Dagaaladaani ayaa wali a socdo Qeybo kamid ah Magaalada Mugadsiho Ee Gobolka Benaadir waxaana dhaawacyadii ku waxyeeloobay Dagaladani la geeyay Isbitaalaad Deyniile iyo Madiina waxuuna Dagaalkaani xoogiisa ka bilaawday Degmooyinka Wardhiigley iyo  Howlwadaag Magaalada Mugadisho Ee Gobolka Benadir.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: