Calendar

Deg Deg: Dagaalo ka Bilaawday Mugadisho iyo Shacabka Oo ka Barakacayo Degmada Dhoobley

meyd-300x233Dagaalo Xoogana oo u dhaxeya Kooxda Mucaaradka ku ah Dowladda iyo Ciidamada Dowladda oo garab buuxda ka helaya Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya Ee AMISOM ayuu ku dhexmarayaa Degmoyinka Mugadisho Ee Gobolka Benadir.

Madaafiic xoogan ayaa ku soo dhaacyso Deegaanada Dagaalka ka bilaawday Ee Howlwadaag iyo Wardhiigeley Magaalad Mugadisho Ee Gobolka Benaadir waxayna Dagaladaani sababayn dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray dadka rayidka.

Labo ruux ayaa ku dhimatay 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen Dagaaldan iyadoo Ciidmada Dowladda ay weerar kusoo qaadayn Goobaha ay fariisamha ku leeyihiin Kooxda AL-Shabaab lamana oga qasaaraha soo kala gaaray dhinacyda barqadan  Dagaalada isku qaaday wayna adagtahay in xilligan la ogaado qasaragha uu Dagaalkna sababy dhinacyada dagaalamay walina waa uu socdaa Dagaalada.

Goobaha ay ku dagaalamayaan Labada dhinac ayaa haatan intabadan laga qaxay iyadoo ay jiraan Dad fara ku tiris ah oo ku haray Deeganadaasi horay looga barakacay waxayna shacabka inta badan soo gaara rasaasta aadka u culus iyo Madaafiicda ay soo turaan Ciidmada AMISOM.

Dhanka kale Waxaa Barakac xoogan laga dareemaya Degmada Dhoobley Ee Gobolka Jubada Hoose, kadib markii Xalay Duqeymo xoogan ka dhaceen iyadoo Shacabka la arkayay iyagoo ka barakacaya Guryahooda.

Degmada Dhoobleey o haatan ka taliyaan Kooxda AL-Shabaab ayaa noqtay Goob dagaal oo marba cid la wareegto, waxaana daqiqad walba la filan karaa in halkaasi dagaalo ba’an ka dhacaan maadaama Cidiamda Dowladda FKMG Soomaaliya sheegeen inay wadaan qorshe ay dib danbe ula waregayaan Degmada Dhooleey Ee Gobolak Jubadda Hoose.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: