Calendar

Duqa Magaalada Tarzan: 6 Bilood oo hor leh

Screen shot 2014-01-31 at 10.16.15 AMGudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarzan ayaa la sheegayaa inuu sii wadan doono khudbadihiisii caanka ku ahaa hadalka iyo sheegsheegga.

Wararka aan ka xaqiijinay dad xog ogaal ah ayaa sheegaya inu duqa magaalada  markuu diiday inuu qaato jagadii wasiir ku xigeenimada uuna afka ku dhuftay inuu samayn doono maamul goboleed gobolka Banaadir ah ayaa Madaxweynuhu ku abaal mariyey inuu jagadiisa sii haysto 6 bilood oo hor leh.

Gudoomiyaha ayaa saxaafadda u sheegay inaan lagala tashan magacaabidda xubinimadiisa ee Golaha Wasiirada, isla-markaana wuxuu sheegay inaanu aqbali doonin, dad badanse waxayu u fasirteen in Duqa Magaalada uu ka anfac badan yahay wasiir ku xigeen isboorti.

6daas bilood marka ay dhacdo xaalka Tarzan meeshuu mari doono cidina garan mayso laakiin maamul goboleed afka wuu ku hayn karaa, kordhisna waa lagama maarmaan markaas.

Muuqaal: Tarzan oo kasoo horjeestay jagada loo magacaabay.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: