Calendar

Eritereya iyo Soomaaliya oo weli is dhaafsanaya eedeymo

Dowlada   Soomaaliya ayaa codsatay in Beesha Caalamka soo dhexgasho khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya ayaga iyo Dowlada Eritereya.

Khilaafka Eritereya iyo Soomaaliya ayaa sii xoogeytay kadib markii ay Dowlada Soomaaliya ku eedaysay in ay hub soo geliso dalka Soomaaliya, xili waliba uu dhawaan magaalada Muqdisho Shiikh Xassan Daahir Aweys oo kamid ah hogaamiyaasha mucaaridka ku ah dowlada ee ku sugnaan jiray Eritereya.

Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa markii uu magaalada Muqdisho tagay ku dhawaaqay in lasii wado dagaalada looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Dowlada Soomaaliya ayaa todobaadkan ku eedaysay dowlada Eritereya inay saanad ciidan ka dajiso gobalka Shabeelada Hoose ee dalka Soomaaliya si ay u isticmaalaan kooxaha hubeysan ee  ka  soo horjeeda Dowlada somalia ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Dowlada Eritereya ayaa ayadu sheegtay inaysanba aqoonsaneyn dowlada Soomaaliya isla markaana ay ku tiri ku teen ay tahay wararka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya.

“…waxaan jeclaan lahayn beesha caalamka, kuwa afrika, kuwa gobalka, kuwa carabta kuwa geeska afrika, waxaan ka codsanayaa in arrinta soo dhexgalaan maadaama ay meel xun naga mareyso….” Ayuu yiri  Farxaan Cali  Maxamuud Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Soomaaliya.

Macada kaalinta ay Beesha Caalamka ka qaadan karto xalinta khilaafaadka cusub ee u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Eritereya ayadoo horey adduunka ugu guuldareystay inuu wax xal ah ka gaaro murran siyaasadeed iyo militari ee u dhaxeeya Eritereya iyo dalalka ay xaduudaha la leedahay. oo ay ugu dam baysay dowlada walaalaha nahay ee jabuti

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: