Calendar

Somaliland oo sheegtay inay qabatay Burcad Badeed

askari203Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen koox burcad badeed ah  iyo qalabkii ay wateen ayagoo ku sugan xeebta magaalada Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay meel 80km u jirta xeebta Berbera, 5 nin oo burcad badeed ah oo hubeysan iyo laashkii ay wateen.

Ciidamada illaalada xeebaha iyo Booliiska ayaa sheegay in ay iska kaashadeen soo qabashada shantan nin ee hubeysan ay gacanta ku soo dhigaan. Shantan nin ayaa la sheegay in ay ka degeen laashkii ay wateen kadib markii ay ciidamada illaalada xeebaha isku dayeen inay qabtaan.

Ciidamada Booliiska oo ayaguna dabo gal ku sameeyey shantan nin oo beriga ku cararay ayaa la xaqiijiyey inuu iska horimaad dhexmaray ayadoo mid kamid ah shantan nin uu dhaawacmay afarta kalena gacanta lagu dhigay ayagoo bed qaba.

Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay wadaa dadaalo ay ku xoojinayaan xeebahooda inaysan kusoo fidin dadka ay ugu yeereen burcad badeeda, ayagoo sheegay inay dhawaan sidan oo kale koox kale oo burcad badeed ah gacanta ku dhigeen.

Dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee April ayaa waxay Maxkamada Berbera ku xukuntay 20 sano sagaal nin oo lagu eedeeyey arrimaha burcad badeeda.

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: