read more »">
Calendar

Gen Yuusf Maxa’ed Siyaad (Indhacadde) Oo Cali Dheere ku Tilmaamay inuu ka tirsanyahay Al-shabaab iyo Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Ka Jawaabay

9863706b8080f138bbd702018e4037bdMugadisho,www.Bartamaha.com: Gen Yuusf Maxa’ed Siyaad (Indhacadde) ayaa sheegay in Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere uu ka tirsan yahay Kooxda Mucaardaka ku ah Dowladda Ee Al Shabaab.

Gen Yusuf Indhacade oo ah sarkaal ka tirsan dowladda FKMG Soomaaliya ayaa ku Eedeeyay Cali Dhere inuu la shaqeeyo Kooxda Meleeshiyaadka Shabaab, waxuuna xusay in Cali Dheere uu yahay nin kasoo horjeedo dowlada KMG Soomaaliya.

“Cali Dhere waxuu ka tirsanyahay Kooxda diidan Nabadada Ee Al-Shabaabka, shaki kuma jiro taasi waa hubaal in Gudoomiyaha Ganacsatada Bakaaraha uu caawiyo Cidiamada Mucaardaka ah” ayaa laga so xigya Indhacadde.

Mr Indhacade ayaa Warbaahinada Mugadisho usheegay in Cali Dhere u ka irsanyaahy Kooxda dagalka xoogan kula jirto Dowladda, waxuuna xusay  Indhacade inay la socdaan kooxaha hoosta ukala shaqeysto Meleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhanka kale Gudoomiayah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere ayaa ku tilmaamay hadalka Indhacde mid lala yaabo isagoo sheegay inasyan waxba ka jirin hadalka kasoo yeeray Yuusuf Indhacde.

“Miyeesan aheyn wax lala yaabo, hadalka kasoo yeeray Indhacade?, dabacn waxaa ugartay in Yusuf Indhacade uu yahay Afhayeen Ciidmada AMISOM oo Dalka iyo Shacabka laayay” ayuu yiri Cali dheere.

Doodaan iyo Eedayntaani dhax martay Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dhere iyo Gen.Yusuf Indhacde aya kusoo beegmaysa xilli uu gabi ahaanba xiranyahay Suuqa Bakaaraha oo Todobaadkeena cidba cidda kale ee ku Eedaynaysa in Suuqa uu u xuranyahay.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: