Calendar

General Dhega-badan: “Cadawga saddex meelood ayay doonyo ugu xiran yihiin wabiga Shabelle”

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan ayaa sheegay inay u gudbi doonaan deegaanada ku teedsan Wabiga Shabelle, halkaasoo dagaalyahano ka tirsan Shabaab saldhigyo iyo xarumo qarsoodi ku leeyihiin.

Jen. Dhega-badan ayaa sheegay in deegaanka Saqiiro oo dhaca dhanka waqooyi bari Muqdisho, kana tirsan Shabellaha Hoose aysan kula kulmin dagaalyahanada Shabaab, iyadoo maalmihii u dambeeyay weeraro ka soo qaaday.

“Deegaanka Saqiiro kuma aan la kulmin cadawga waxay u gudbeen wabiga shishe dhinaciisa, hada waxaa heynaa xog in saddex meelood ay doomo ugu xiran yihiin wabiga Shabelle waana u dhaqaaqeynaa”ayuu yiri Jen. Dhega-badan.

Abaanduulaha ayaa sheegay in aanay meelna uga hari doono Al-Shabaab, isla markaana ugu tagi doonaan meel walba, isagoo ka dalbaday Saraakiisha ciidamada inay amar ku siiyaan sidii meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan inay gaaraan.

Dhinaca kale Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida ayaa ku tilmaamay deegaanka Saqiiro inay aheyd goob looga soo duuli jiray Muqdisho, isla markaana shan cisho ka hor lagaga soo qaaday weerar lala eegtay saldhig Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Dayniile.

Si kastaba ha ahaatee howl galkii shalay lagu qaaday deegaanka Saqiira oo ay booqdeen Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka dambeeyay markii Golaha Wasiirada ay ka soo saarene go’aan in la qaado howl gal ku wajahan deegaankaas oo ay isku uruursanayeen AMISOM.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: