Calendar

Khatuma: Waxaan dilnay Sarkaal ka tirsan CIidamada Somaliland

BARTAMAHA – Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Max’ed Yuusuf Jaamaca Indha Sheel oo  lahadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Deegaanada Maamulka Puntland ayaa ka warbiyey Dagaal ka dhacay Qeybo ka mid Gobolka Sool.

Max’ed yuusuf Jaamac ayaa sheegay in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa  Deegaanada Karin Dabeyl weyne iyo Dharkiin geeye ee ka tirsan Gobolka Sool kaasi oo dhexmaray Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa intaa ku daray in Dagaalka lagu dilay Sargaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Soomaaliland oo hogaaminayey Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Gobolka Sool.

Tan iyo markii Ciidamada Maamulka Soomaaliland  ay Gacanta ku dhigeen Magaalada taleex ee Maamulka Khaatumo Fariisinka u ahaa ayaa Madaxweynaha maamulka Khaatumo uu Markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkaasi.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: