Calendar

kooxo hubeysan oo dhaawac u gestay wariye xasan anteeno.

wariye xasan

Wararka aan ka heleyn magaalada Bosaaso ayaa sheegaya kooxo hubeysan ay maanta dhawac u gesteyn wariye ka hol gala idaacada codka nabada ee xarunta magaalada Boosaaso.

Wariye Xasan Maxamed Cali[ Xasan Anteeno] Wariyaha ayaa la sheegay in seddex Xabadood ay kaga dhaceen Dhanka shafka ama feeraha  waxaana loola cararay Isbitaal ku yaal magaalada Boosaaso iyadoo xaaladiisa ay aad u liiidato.

Waa wariyihii labaad oo toban casho gudahod lagu dhaawacay gudaheed  magaalooyinka  Puntland waxaana ugu dambeysay  Wariye Xoriye C/qaadir oo ah wakiilka Idaacada Risaala Ee gobalka Mudug oo lugu dhaawacay magaalada galkacyo.

Waxaa gobta ka baxsaday ragii dhawaca gestay waxaa soo badanaayay mudooyinkii danbe falalka ceynkan oo kale ah waxaana malin ka hor lugu dilay magaalada galkacyo mudane ka tirsan barlamaanka Puntland oo shalay lugu aasay isla magaaladaasi.

xafiiska wararka bartamah muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: