Calendar

Wafdi ka socda dowladda qadar oo maanta muqdisho soo gaaray.

Wafdigan ka socda dowladda qadar ayaa maanta barqanimadii ka soo dagay garoonka diyaaradaha adan cadde ee magaalada muqdisho waxaana horkacaayay Agaasimaha Hay`àdda Bisha Cas saalax cali

Wafdiga ayaa waxaa ay koormeer ku tageen Xerooyin ka loo sameeyay Qoysas barakacayaal ah oo ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho sida degmooyinka Hodan iyo Waaberi ee , waxaana Xerooyinka ay ku tageen Koormeerka ku jiray qoysas barakacayaal ah oo ay saameysay abaarta ka jirta  dalka Soomaaliya.

Agaasimaha hay`adda bisha cas Dr saalax cali ayaa waxa uu sheegay in magaalada muqdisho ay u yimadeyn sida ay u soo indha indhelahayeen xalaada dhabta ah ay ka jirta dalka soomaaliya gar ahaan magaalada muqdisho.

;waxaa uu balan qaaday iney sii wadi donaan gargarka ay ugu tala galeyn dadka barakacayaasha ah xaladaha cafimaad nafaqadarida iyo mida cuno ay u heli lahayeen dadkaasi abaarta la ildaran.

Dowlada qadar wexee ka midtahay dowladaha kacanta weyn ka gestay abaarta ka jirta dalka sida ay gacan gargaar ugu fidi lahayeen dadka soomaaliyed waxa mar waliba ay dowladaasi soo garsiisaa dalka gargaar cafimad mid nafaqo iyo mid cuno intaba

Waxaa mudooyinkii danbe casiimada soomaaliya soo gaarayay ee magaalada muqdisho dowlaaddo fara badan oo sida shixnado gargaar oo logu tala galay dadka ay abaarto sameysay.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: