Calendar

Kulan looga hadlayo ammaanka Muqdisho oo maaanta magaaladaas ka dhacay

1521_471054562980112_1625405282_nKulan looga hadlayo sidii loo adkayn lahaa ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada muqdisho. Ujeedada kulanka ayaa ah sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Shacabka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana soo qabanqaabiyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galaya xubno ka socda Wasaarada arimaha gudaha,masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir,Saraakiisha ciidamada Booliska,Ardayda Dugsiyada,kuwa jaamacadaha,ururada Bulshada Rayidka, UruradaHaweenka, ururka,Dhalinyarada Soomaaliyeed Xildhibaano iyo 17ka gegmo ee gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/xakiim Daahir Saciid Gen. Saacid oo ka hadlay madasha ayaa ka dhalbaday Shacabka Soomaaliyeed in ay ka gacansiiyaan sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay in uu ammaanku ku jiro gacanta Shacabka Soomaaliyeed.

Gen.ka ayaa ka dalbaday qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Ururada Haweenka kuwa Dhalinyarada Ardayda Dugsiyada kuwa Jaamacadaha iyo dhamaan Shacabka ku nool xaafadaha muqdisho   in ay ka gacan siiyaan sidii ay u  xaqiijin lahaa ammaanka Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha Jaamac Oday wuxuuna tilmaamay in ay wasaaradiisu jeceshahay in ay Shacabku kala qaybqaataan laamaha ammaanka sugida nabadgalyada magaalada muqdisho.

Waxaana dawlada Soomaaliya ay maalmihii lasoo dhaafay xoojisay kulamada looga hadlayo ammaanka ee ay qabanayso taasoo loo aanaynayo kororka ku yimid weerarada qaraxyada iyo dilalka qorshaysan isugu jira ee ka dhaca caasimada.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: