Calendar

Madaxwaynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar

BARTAMAHA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayay oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa kulan la qaatay dhigiisa Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifataax Al-Sisi waxa ay ka wadleen xoojinta xiriirka labada iyo doorka Masar uga aadan horumarka iyo nabadgelyada Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu uu dhigiisa Masar ugu hambalyeeyey xilka cusub ee uu ku guuleystay kaddib doorasho ka dhacday dalka Masar.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ahna sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kulanka Madaxweynuhu uu la qaatay Madaxweynaha Masar ay kaga wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.

Xafladda Caleemo saarka ee Madaxweynaha Masar waxaa kaloo ka qeyb galay Wafuud heer caalami ah, waxaana markii xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay uu balan qaaday in uu ilaalin doono danaha shacabka Masar iyo midnimada shacuubta dalka Masar ku dhaqan.

Wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo gabagabeeyaan socdaalka ay ku joogaan dalka Masar.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: