Calendar

Mid kamid ah Labadii maleesha oo isku haysay Shabelada Hoose oo la wareegtay Marka

BARTAMAHA – Wararka laga helayo Demada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in mid kamid ah Maleeshiyada ku Dagaalamaya Gobolka Shabellaha Hoose ay la wareegeen Degmada Marka.

Goobjoogeyaal ayaa Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Labada Dhinac uu Magaalada Dagaal ku dhexmaray islamarkaana uu jiro Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo Shacabka iyo Labada Dhinacba kala Gaaray.

Warka ayaa intaa ku daraya in Rasaas Teelteel ah laga Maqlayo Xaafado ka mid ah Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhanka kale iimaam C/laahi Qaliif Rooble oo u hadlay mid kamid Beelaha Shabellaha hoose ku dagaalamaya ayaa ugu baaqay Maleeshiyada Degmada lawareegay in aysan Dadka Dhibateen oo ay si wanaagsan ula dhaqmaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: