Calendar

Madaxweyne Gaas oo kahadlay duulaanka lagu qadayo Al-shabaab

Garowe_ Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa waraysi uu siiyay Wakaaladda Reuters waxa uu ku sheegay in Al-shabaab ay khatar ku yihiin Deeganada Pl.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegay in looga baahan yahay ciidamada AMISOM inay gacan kagastaan sidii ay Puntland uga caawin lahaayeen amaanka xuduudaha Puntland lawadagto gobalada koonfured.

Gaas ayaa intaasi raaciyay in kooxda Al-shabaab doonayso sidii inay gabaad ka dhigtaan buuraha Galgala, oo ay xiligani saldhigyo ku leeyihiin kooxo taabacsan Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay inaysan jirin wax taageero milateri ah oo ciidamada Puntland ay kaheleen dowlada federalka Soomaliya.

Dowlada Soomaliya ayaa qorshaynaysa inay duulaan ku qaado goobaha ay kataliyaan Al-shabaab, iyadoo taageero kahelaysa AMISOM, waxaana jirta cabsi laga qabo in firxadka Al-shabaab ay usoo baxsadaan Pl.

www.Bartamaha.com.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: