Calendar

Qaramada Midoobay oo wakhti dheeriya ku dartay Muddada qafiifinta Xayiraada hubka saaran Soomaaliya

Xubnaha gollaha Amaanka oo maalintii shalay fadhi ka yeeshay arrimaha cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaliya ayaa muddo dheeriya ku kordhiya in la khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee saaran Somaliya.

Golaha  ayaa isku raacay in ilaa 25-ka bisha October ee sanadkaan laga qafiifiyo cunoqabateynta hubka.

Qaraarkaan ayaa sicad uqeexaya  in masuuliyinta Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay u hogaansamaan shuruudaha kooxda qaabilsan in ay kasoo waramaan arrimaha cunoqabataynta hubka saaran Soomaaliya, gaar ahaan in aysan hubka u gacan gelin kooxda al-Shabaab.

Guddiga dabagalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa bishii lasoo dhafay warbixin ay soo saareen ku cadeeyeen in Dowladda Federaalka ay hub u gidbisay kooxda  al-Shabaab.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: