Calendar

Madxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo u ambabaxay Beledweyn.

(Mogadishu, Somalia, October.02 ,2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo  oo goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cade International Airport ayaa gaaray magaaladda Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana booqshadda Madaxweynaha ku wehliya  Xildhibaano Baarlmaanka ka tirsan.

Dadweynaha magaaladda ayaa si weyn madaxwenaha ugu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha, waxa ayna tani qayb ka tahay booqashooyin  madaxweynahu uu ku bixinayo goboladda kala duwan ee dalka.

Ujeedada Madaxweynaha uu ugu ambabaxay magaaladda Beledweyn ayaa waxa ka mid ah in uu u kuurgalo xaaladda beni’aadamnimo, dhibaatooyinka fataahadda iyo roobaab u geeysteen dadka deegaanka iyo ammaanka, waxaa uuna Madaxweynuhu dadku kala soo tashan doonaa qorshahiisa siyaasadeed ee ku wajahan aayaha dalka.

Ugu dambeeytnii madaxweynuhu ayaa inta uu magaaladda ku sugan yahay waxa uu kulamo la  qaadan doonaa, maamulka Gobolka, Saraakiisha Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM, masuuliyiinta deegaanka iyo bulshadda qeybaheeda.

-  Dhamaad –

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: