Calendar

Maxmed Cumar Xabeeb (Maxmed Dheere) oo maanta isaga tagay Muqdisho xilli la filayay in uu dowlada gacan ku siiyo dagaalada ka socda Caasimada.

maxedheere1Bartamaha (Muqdisho):- Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir Maxmed Cumar Xabeeb(M.Dheere) ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo u kicitimay Magaalada Nairobi oo uu markii horeyba ka soo baqoolay.

Maxmed Dheere oo ahaa gudoomyihii hore Ee Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho isla markaasina la hadal hayay in uu dowlada soomaaliya ka gacansiindoono dagaalada ay kaga soo horjeedo kooxaha mucaaradka oo ku soo siqay xarunta madaxtooyada.

Hoggaamiyahaasi dagaalka ayaa inta badan lagu xasuustaa howlgaladii uu ka fuliyay Muqdisho intii uu gudoomiyaha G/Banaadir ka ahaa xilligaasi oo uu magaalada ka tirtiray awoodii xooggaga Muqaawamada kuwaasi oo uu ugu awoodsheegtay dhammaan xaafadaha haatan aanay dowladu u dhawaan Karin.

Maxmed Dheere oo dhawwaan kulan la yeeshay beesha uu ka soo jeedo ayaa waxa uu ku soo bandhigay dhuula tus siyaasadiisa cusub ah isagoo wacad ku maray in uu difaaci doono qabuuraha ay ku aasanyihiin Culimada caanka ka ah beesha uu ka soo jeedo.

Masuulkaasi manta isaga duulay Muqdisho ayaa si weyn dowlada soomaaliya ay u rajaynaysay in uu ku garab galo dagaalada Muqdisho oo dhankiisa la filayay in uu xirfad u leeyahay kooxaha islaamiyiinta ah sida looga sifeeyo caasimada wallow riyadaasi ay beenowday.

Warar hoose ayaa tilmaamay in Maxmed Cumar Xabeeb iyo Madaxweyne shariif Sh.Axmed uu khilaaf soo kala dhexgalay kaasi oo ku wajahan qaabka dagaalada lagu wajahayo taasi oo sabab ka dhigtay in Maxmed Dheere oo sidaasi uu ugu laabto magaalada Nairobi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho- Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: