Calendar

Nin Maraykan ah oo dil geystay ayaa lasoo sheegay inuu Baasaboor Soomaali ah haystay hadda kahor

Recruiters ShotBartamaha — Wararka naga soo gaaraya magaalada Little Rock ee Gobolka Arkansas, Maraykanka ayaa sheegaya nin Muslin ah oo dhowaan soo galay diinta uu tacshiirad ku furay meel lagu qoro qofkii doonaya inuu askari noqdo, halkaasna waxaa ku dhintay  nin askari ah .

Waxaa la sheegayaa in FBI-da qeybtooda la dagaalanka argagaxisada ay baaritaan weyn ku waday Abdulhakim Maxamed ilaa iyo intuu kasoo noqday dalka Yemen. Wararku waxay intaas kusii darayaan in Cabdixakiin lagu xiray Yemen isagoo wata baasaboor Soomaali ah.Maxamed wuxuu sheegtay inuu yahay danbi laawe ka yahay danbigan lagusoo oogay oo ah dil xaqdarro ah.Maxamed magaciisii hore wuxuu ahaa Carlos Bledsoe, siday booliisku sheegayaan falkan waa mid kali u ah C/xakin Maxamed oo aysan jirin dad kale oo gacan ku leh arrintaas.

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: