Calendar

Xasan Sheikh oo xildhibaanada Soomaalida kala hadlay joojinta mooshin ay ka keenaan dowladdiisa

BARTAMAHA – Xasan sh Maxamuud  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goor dhaw soo gaba gabeeyey Qudbad uu ka horjeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa oga hadlay arrimo badan.

Xasan Sh Maxamuud ayaa Baarlamaanka ka hor aqriyey Qodob Dhowr ah oo uu oga hadlayey Xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya’gaar ahaan Bishii May ee la soo dhaafay iyo Bishaan Jun ee aan  ku jirno ,waxii ka dhacay dalka.

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay Joojiyaan Mooshinka ay ka keenaan Madaxda dalka,taasna ay keeni karto Burbur iyo Fashil ku dhaca Amaanka Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud  uu dhaliil u soo jeediyey Qaar ka mid ah Xildhibanada ,oo uu sheegay in ay Qaab Cadiifad ah oo aan Munaasib aheyn ay oga hadleen Dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Xasan Sh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Qodob ay Baarlamaanka u soo jeediyeen oo aheyd in uusan wax la taaban karo uusan ka qaban Amaanka iyo Qodobo kale,waxaana uu sheegay in Dhaliilahasi loo soo jeediyey uu qaadanayo waxna uu ka badali doono.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: