read more »">
Calendar

[SAWIRO] Duufaan iyo roobab xoogan oo ku dhufanaya Soomaaliya

Sida ay sheegayaa kooxaha qiimeeya hawada, waxa la filayaa in maanta Soomaaliya ay ku dhufato duufaan xoogan oo wehliyaan roob.

Shirkad aruurisa xogta jawiga caalamka oo fadhigeedu yahay Mareykan-ka ayaa sheegtey in duufaanta ay kasoo bilaabatey koofur bari Soomaaliya, meel 600-ML u jirta Raas Caseer, iyadoona la filayo in caawo ay ku dhufato deegaanadda waqooyi bari Soomaaliya.

Dabeelaha ayaa xowligooda lagu qiyaasi doonna iney daqiiqadii ay isku goyn doonto 74.KM, lagana yaabo iney ka kordhaan.

Dhibcaha roobka ayaa 4-inch gaari doono iyadoona ay da’i doonto ilaa (100mn) qiyaas ku dhaw, taas oo aad u badan.

Xoggo dheeraad ah ayaa idin soo gudbin doonna saacadaha soo socda, ilaah hadii uu idmo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: