Calendar

Somaliland oo ka hadashay sababta ay ku galeen Taleex

BARTAMAHA – Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Ismaaciil Shaqalle ayaa ku micniiyay gelitaanka ciidamada Soomaliland ee degmada Taleex hawlgal caadiya oo ay ciidamadoodu ku sugayaan nabad gelyada xuduudaha Soomaliland.

Waxa uu sheegay in waaberigii saaka ay ciidamadisu gacanta ku dhigeen Taleex, iyagoona aan la kulmin wax iska cabin ah, waxaana uu intaasi raaciyay inay siweyn usoo dhoweeyeen dadka deegaanka sida uu hadalka udhigay.

Ismaaciil Shaqalle waxa uu cadeeyay in maamulkisu uu amar cad kasoo saaray in wax shirar ah oo aysan kawarqabin aan lagu qaban Karin deeganada dhaca xuduudaha Soomaliland.

Dadka deegaanka Taleex ayaa dhankooda laga soo xigtay in xubnihii uu shirku uga socaday degmada Taleex ay habeenkii xalay isaga baxeen magaalada, waxaana la sheegay in hada ay kusugan yihiin deegaano hoostaga Taleex.

Ciidamada Somaliland ayaa 15-ki bishii April gudaha ugalay Taleex inkastoo markii dame ay isga baxeen, waana markii labaad oo ay yimaadan degmadaasi.

Maamulka Khaatumo oo katalinayay degmadaasi ayaa weli kahadlin qabsashada Somaliland ee degmadaasi.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: