Calendar

Taliyaha Ciidanka Dowladda Kenya Oo ka jawaabay Hanjabaadii Alshabaab

hmpg290510_01Taliyaha Ciidanka Dowladda Kenya Mathew Itere ayaa ka jawaabay hanjabadii kasoo yeertay Kooxda Alshabaab isagoo sheegay in  heegan sare galiyeen sidii ay ku xoojin lahaayeen ammaanka xuduuda u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya waxuuna kaga digay Kooxaha Alshabaab inaysan isku dayin inay soo dhaafaan barta u dhaxaysa Xuududda ay Soomaaliya wadaagaan.

Dowladda Kenya ayaa ka walaacday hanjabaad kasoo yeertay Kooxada Alshabaab kadib markii ay wacad ku mareen inay weerari doonaan Dowladda Kenya waana midda ku kaliftay in Dowladda Kenya ay adkeeyaan Amniga Xuduuda iyo gudaha Dalka Kenya Ee Caasimadda Nairobi.

Mathew Itere ayaa saxaafadda u sheegay inay la shaqeyn doonaan Ciidmada Kenya islamarkaana ay ka caawin doonaan dhinac walba isagoo sidoo kale soo hadal qaaday  inay si weyn ay u adkeeyeen Amaanka Degmada Mandheera oo dhawanahaan saameeyay dagaaladii degmada B/Xaawo ee gobalka Gedo, Soomaaliya.

“Waxaa Qaadnay Tallaabo wanaagsan, Ciidmada Kenya waxay heegan sare ugaleen sidii ay iskaga difaaci lahaayeen Hanjabaadad kasoo yeeraty Kooxaha Mayalka adag Ee Al Shabaab, waxaa il gaar ah is kaga heynaa Soomaalida dagto Kenya oo ay u badanyihiin Caasimadda Nairobi, uma dulqaadan karno rabshada wadaayaasha qalqalka buuxa galinaya Amniga Dowladda Kenya” ayaa laga soo xigtay Mathew Itere.

 Ugu danbayntii Madaxda ugu sareeyso ayaa ganafka ku dhufteen inaysan u dul qaadan karin Dadka amni darada Kenaya ka shaqeeya inay ku noolaadaan Dalka Kenya waxayna hanjabaad iyo digniino kulul u jediyeen Kooxaha Alshabaab Ee qas ka wada Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Nairobi
Bartamaha

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: