Calendar

Xubno horay uga tirsanaa gollaha deegaanka Laascaano oo isu soo dhiibay Puntland

Garowe Xubno katirsana gollaha deegaanka magaalada Laascaano ee xarunta gobalka Sool ayaa kasoo goostay maaulka Soomaaliland ee gacanta kuhaya Laascaanood.

Labadaan nin ee katirsana gollaha deeganka Laascaano oo magacyadooda lakala yiraahdo Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdullaahi Digaale Cali ayaa waxaa kusoo dhoweeyay dulleedka magaalada Garoowe, wasiirada Ganacsiga, kalluumaysiga iyo xubno katirsan Baarlamanka Puntland.

Maxamuud Xassan Soocade oo ah wasiirka Ganacsiga Puntland oo lahadlay warbaahinta guddaha ayaa tilmaamay in ragan horay uga tirsanaa Soomaliland ay gar waaqsadeen inay kusoo laabtan dadkooda.

Maamulka Soomaaliland ee ay horay uga tirsanaayeen ragani ayaa weli kahadlin xubnahaan kasoo goostay.

Waa markii ugu horaysay tan iyo intii ladhisay xukuumada cusub ee Puntland oo ay gacanta Puntland soo galaan xubno horay uga tirsanaa Soomaaliland.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: