Calendar

Raysal wasaare C/wali oo ka hadlay qorshayaasha xukuumaddisa cusub

pm

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed,ayaa hadal uu sinayey waraahinta waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo dhinaca ammaanka ay qeyb ka yihiin,waxaana uu sheegay in xukuumaddisa muhiimada koobad siinayso sugida amniga.

Ammaanka iyo qorshayaha xukuumadda:

Raysal wasaare C/wali oo ka hadlay ammaanka iyo qorshaha xukuumaddisa uga daggan waxaa uu sheegay in xilligaan qorshahooda uu yahay  sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen xasiiloonidi dalka,taasna ay ku iman karto sida uu sheegay ammaanka oo la adkeeyo.

Waxaa uu sheegay raysal wasaare C/wali inay bilaabi doonan dagaallo lugu soo afjarayo kooxda dowladda ka soo horjeeda ee Al Sabaab,waxaana uu inta ku daray  inay xoojinayaan dagaallada ay kula jiraan Al Shabaab, sannadkaan 2014 ayna  doonayaan in guud ahaan dalka ay ka saaraan xoogagga Shabaab.

Shirka Baydhabo iyo qorshayaha xukuumadda:

C/wali Sheekh Axmed wasiirka koobad ee xukuumadda Soomaaliya,waxaa uu markii ugu horreeysay soo hadal qaaday shirka ka socda magaalada Baydhabo oo la sheegay in lugu dhisayo maamul-gobolled ka kooban lix gobol,waxaana uu tilmaamay in xukuumaddisa taageeri doonto cid walba oo aayahooda ka tashanaya,balse waxaa uu farray in la raaco dastuurka dalka uyaalla.

Waxaa uu sheegay raysal wasaare C/wali inuusan waxba ka ogeen is-hor istaaga ay shirka ku sameeyen ciidamada AMISOM ee halka ku sugan,isagoona ku sheegay arrimo ammaan inay tahay.

Bixitaanka ciidamada Kenya:

Waxaa kalo uu ka hadlay raysal wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed,dhaq-dhaqaaqyada xooggan ee  ka socda gobollada Jubbooyinka,halkaaso ay faarujin rabaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Raysal wasaare C/wali waxaa uu caddeyey inay hayaan warka ku aadan bixintaanka ciidamada Kenya ee horey halka ugu sugna, balse kama uusan  bixin wax  faah-faahin buuxda oo ku aadan arimaha ciidanka.

Waxa uu tilmaamay in ciidanka Kenya qeyb kamida ay ka howlgali donaan gobolka Gedo iyaga oo gacan ka helaya ciidanka Dowlada Federaalka Somalia ee gobolkaasi ku sugan taas oo uu sheegay in lagu doonayo in sanadkaan gudihiisa gabi ahaanba gobolkaas looga saaro Xarakada Al shabaab.

Isku soo wada duubo hadalka raysal wasaare C/wali waxaa uu ku soo aadaya xilli ammaanka dalka uu yahay mid liida oo magaalada Muqdisho ay xalay ka dhacayeen qaraxyo iyo madaafic lugu soo tuuray goobo ay ku suganyihiin ciidamada ammaanka.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: