Calendar

Garsoorihii Maxkamada Degmada wardhiigley oo xalay lagu dilay Mogadisho

BARTAMAHA – Waxaa xalay kooxo hubaysan ku dileen dagmeda Waabari ee gobolka banaadir Garsoorihii Maxkamada Degmada wardhiigley oo isagu la sheegayo in lagu dilay Bastoolado  waxaana goobta iskaga baxsaday Kooxdii dilka Garsooraha fulisay

Dad Goob joogayaal ah ayaa warbaahinta qaar waxaa ay u sheegeen in ay dilka Mas,uulkaan fuliyeen labo dhalin yaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa kuwaa oo dhowr Xabadood qaybaha sare ee Jirkiisa la dhacay Halkaa ayuuna ku naf baxay waxaana Durba goobta gaaray Ciidanka amaanka Degmada oo baaritaano aan mira dhalin halkaa ka sameeyay .

Gudoomiyaha Degmada waabari  Axmed Muumin Maxamed ayaa Warbaahinta waxaa uu u sheegay in Degmada abaarihii saacadu markii ay ahayd 8:30 kii lagu dilay Garsoorahaan oo lagu Magacabi jiray Ibraahim Xasan Maxamed waxaana uu intaa ku daray in Baaritaan ay ku sameyn doonaan Dilkaas cidii ka dambeysay Sharcigana ay soo taagi doonaan .

Wadada maka al mukarama qaybo ka mid ah ayaa saaka xiran iyadoo uu socdo baaritaan balaaran oo lagu raadinayo ragii dilka xalay ka geestay Degmada Waa bari .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: