Calendar

Warbixinta weerarkii xalay lagu dilay ugu yaraan 48 ruux ee ka dhacay Magaalada Lamu ee Kenya

BARTAMAHA – Waxaa xalay abaaradii 8dii fiidnimo weerar fool ka fool ah lagu qaaday Jasiirada Lamu halkaas oo lagu dilay dad u dhow 50 qof sidoo kalane lagu dhaawacay dad fara badan oo tiradooda wali aan la shaacin.

Waxaa wararka ugu dambeeya ee dalka Kenya kasoo baxaya ay sheegayaan in tirada dadka ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday degaanka ka tirsan jaziiradda Lamu ay gaarayaan 48 ruux tiro kale oo dhaawacmayna goobaha caafimaadka ayaa la geeyay si loo daweeyo.

Taliyaha booliska Lamu oo la yiraahdo Leonard Omollo ayaa waxaa uu sheegay inay xaqiijinayaan in tirada dadka nafta waayay ay yihiin 48 ruux waxaana uu sheegay in kooxda weerarka qaaday ay si gaar ah u bartilmaameysteen Labo hotel oo dalxiisayaal daganaayeen, Bangi iyo saldhig boolis.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay in dadka geeriyooday aysan ku jirin wax haween ama caruur ah sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in dad badan oo dhaawacyo qaba la geeyay isbitaalka Lamu qaarna Nairobi loo qaaday.

“Meydadka dadkii la dilay ayaan illaa hadda tiro koob ku haynaa dadkii dhaawaca ahaana goobo caafimaad ayaan geynay guryo badana waa la gubay” ayuu yiri Leonard Omollo oo ah taliyaha booliska jaziiradda Lamu oo degaanka la weeraray uu hoos tago.

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada booliska magaalada.

Tv.yada dalka Kenya qaarkood ayaa baahiyay muuqaalo ay ka muuqdaan guryo gaadiid fara badan oo la gubay dadkii magaaladana intooda badan waa ay carareen.

Qaar ka mid ah dadka magaalada la weeraray degen ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay arkeen rag hubeysan oo gaadiid wata oo rasaas dhinac walba u ridaya ciddii ay arkaana dilaya.

Qof degaanka ah oo la hadlay Tv,ga Fox News ee Maraykanka ku yaala ayaa yiri “Koox ayaa noo soo gashay annagoo cayaar ku daawanayna hotelka Breeze View kadibna waxaa ay nook ala saareen rag iyo dumar dumarkii waa ay fassaxeen raggiina waa ay wada laayeen ayagoo sheegaya inay ugu aar gudayaan dadka ciidamada Kenya ay Soomaaliya ku dilayaan”.

Dawlada Kenya waxay weerarkaasi ku eedeysay Xarakadda Al-Shabab hase ahaatee Shababku si rasmi ah willi uma aysan sheegan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: