Calendar

Nin u dhashay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inuu argagaxisada maalgaliyo

Kenya-flagDawlada Maraykanka ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay nin u dhashay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inuu maalgaliyo ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Maxamed Xusseen Saciid ayaa laga qabtay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, isagoo la sheegay inuu ku xirnaa nin u dhashay dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Qufraan Maxamed, iyadoo labadoodaba lagu eedeeyay inay lacago u direen ururo argagixiso.

Waxaa kaloo nimankan lagu eedeeyay inay lacago u direen ururka Al-Nusra ee ka hawlgala dalka Kenya iyo ururwaynaha Alqaacida oo ay ka tirsantahay Alshabaab.

Nimankan ayaa maxkamad ku taal dalka Maraykanka ay ku eedaysay inay dambiyo halis ah gaysteen maadaama ay ku lug yeesheen fangaraynta ururo uu Maraykanku ku daray liiska ururada argagixisada.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: