Calendar

Baarlamaanka oo anxisiye guddi hoosaadyada

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen guddi hoosaadyadda uu baarlamaanka yeelan doono.

Guddiyadan ayaa ka kooban 15-guddi, kaas oo la barbar dhigey wasaradaha tiradda koobaan ee la sameyay markii dowlada cusub la dhisey.

Guddiga loo xilsaaray sameynta guddiyadda oo ka koobna 5-qofood ayaa soo jeedin tooda usoo gudbiyey baarlamaanka kaas oo ansixiyey.

Guddiyadda ayaa waxa ay kala yihiin

1-Gudiga xeer hoosadka  anshaxa iyo xasaanadda xildhibaanada

2-Gudiga u kuurgelida dib u eegsita iyo dhaqangelinta dastuurka

3-Gudiga garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta

4-Gudiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga Qaranka

5-Gudiga xaqiiqo raadinta dib uheshiisinta iyo hanti isku celinta

6-Gudiga Miisaaniyadda Maaliyada qorsheynta iyo la xisaabtanka hay,adaha dowladda

7-Gudiga arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga

8-Gudiga difaaca Qaranka

9-Gudiga Xuquuqul insaanka haweenka iyo bani’aadanimada

10-Gudiga Caafimadka waxbarashada shaqada iyo isboortiga

11-Gudiga horumarinta reer miyiga xoolaha iyo beeraha

12-Gudiga Kheyrdka dabiciga ah ee dalka

13-Gudiga Warfaafinta wacyigelinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta

14-Gudiga Wadooyinka dekedaha garoomada iyo  tamarta

15-Gudiga Dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha

Waxa jiro guddi kale oo dheeraad ah kaas oo la yiraahdo guddiga joogtada, waxana ay ka kooban yihiin gudoonka baarlamaanka iyo gudoomiyaasha guddiyadda, waxana hogamin doono afhayeenka baarlamaanka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: