Calendar

Boqollaal ka tirsan Millitariga dowladda Soomaaliya oo shaqadi laga eryey

ciidanka

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadi ay hayeen laga eryey,sidaa waxaa sheegay taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Askarta shaqdaooda laga finishay waxaa uu taliyuhu ku sheegay inay gaarayaan ilaa  700 oo askari,waxaana ay dhammaantod ka tirsanaayen  ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen.Daahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho),waxaa uu ku sababeeyey shaqa joojinta ciidamada ka tirsan Millitariga Soomaaliya xil gudasho la’aan,waxaana uu inta ku daray in askarata shaqada dowladda laga joojiyey ay isagu jiraan rag iyo dumar darajooyin kala duwan leh, isagoo intaa ku daray inaysan si toos ah ugu shaqeyn jiray ciidamada, balse ay ahaayeen kuwo shaqooyin iskood ah iska watay.

“Ciidamada boqollaal gaara ayaan shaqadooda ka joojinay,waxaana ay yihiin askar isagu jirta saraakiil, saraakiil xigeen iyo dabley, dhammaantoodna waxaa ay ahaayeen kuwo magaalada ka dhex shaqeysta si toos ahna uguma shaqeyn jiriin ciidamada dalka.”ayuu yiri Jen. Indho-Qarsho.

Waxaa uu soo hadal qaaday taliyuhu in muddo dheer ay fursad siiyeen ciidamadan si ay usoo galaan shaqadooda inta an laga eryin saqada ciidan ee hayaan,balse ay ka dhego-adeygeen sidaa daraadeedna ay shaqada ka ruqseeyeen.

Ciidamada shaqada joojinta  lugu sameeyey,waxaa ay ka ganacsan jireen qaad-walayaal, kuwo waardiye ka ah hoteellada Muqdisho iyo kuwa aan xeryaha ciidamada iman,sida uu sheegay taliyaaha ciidaka xoogga dalka.

Arrinta kale ee uu hadalkeesa ku soo darat taliyaha waxaa ay ahaayd in laga warheyn doonno agoonta iyo carruurta ay dhaleen ciidamaa xoogga dalka ee ay dhibaatoyinka la soo darsan.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: