Calendar

RW C/wali oo sheegay ammaan xumada Muqdisho in xukuumadda ay mas’uul ka tahay

This slideshow requires JavaScript.

Raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, oo maanta hadal ka jeediyey kulan ammaanka magaalada caasumada ah ee Muqdisho looga hadlayey,waxaa uu dhaliilay habka xilligaan ay ku socdaan shaqooyinka lugu doonayo in lugu xaqiijiyo amniga.

Waxaa uu sheegay raysla wasaaruhu in dowladda ay tahay tan mas’uulka ka ah ammaanka shacabka Muqdisho iyo guud ahaanba dalka,waxaana uu tilmaamay in xilligaan ay jirto jiifasho dhinaca ammaanka ah oo ay umuuqato sida uu sheegay inan mas’uuliyad dheer la iska saarin sida lugu sugayo ammaanka.

“Mas’uuliyad ayaa na saaran,waxaa la doonaya in an xil iska saarno ka hortaga dhibaato ku timaada shacabka Soomaaliyed,waxii xalay iyo habeen hore Muqdisho ka dhacay jawaab cad ayaa looga baahan yahay,annigoo og cida looga baahanyahay jawaabta inay i horjoogan,dadweynuhu jawaab ayey naga sugayan,taaso ah in meesha cadowga uu soo wareerayo ay joogan ciidamadi difaaci lahaa”ayuu yiri raysal wasaare C/wali.

Waxaa kalo uu soo hadal qaaday inta uu hadalka jeedinayey raysal wasaaraha in codowga weerarrka soo qaaday uu ogaadey dal-dalooloyin ka jira dhinaca ammaanka taasina ay keentay sida uu sheegay inay soo qaadan weerarro wax u dhimi kara shacabka Soomaaliyed.

Hadalka uu raysal wasaare C/wali uu u jeediyey laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee amniga dowladda,waxaa uu maanta u muuqanayey mid si kulul uu ula hadlay,iyadoona uu sheegay in xilligaan la sugayo jawaab laga keeno madaafic iyo hoobiyaal labadi habeen ee an soo dhafnay Muqdisho sida isdaba jooga ah uga dhacay.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: