Calendar

Dad badan oo ku waxyeelobay dagaalo ka dhacay Gado

Dagaal dhaliyey dhimasho iyo dhaawacyo faro badan ayaa ka dhacay gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya.
Dagaalka ayaa waxa iskaga horyimid ciidamada dowlada oo taagero ka helayo ciidamada dowlada Itoobiya iyo kooxda Al Shabaab waxana uu ka dhacay meel dhinaca waqooyi ka xigta magalada Garbahareey oo 20-km gaaraysa.

sida la xaqiijiyey 20-qofood dad ka badan ayaa ku dhintey halka dhaawacyaduna ay intaas ka badan yihiin sida ay soo sheegayaan dad deegaanadas ka ag dhawdhaw oo warbaahinta la hadashey.

Dowlaada Soomaaliya oo saraakiil ka tirsasni ay saxafada la hadleyn aya sheegay in dagaallkani uu dabo socdo dagaalo ay todobaadka oo dhan ay la eeganayeen kooxda Al Shabaab meelaha ay ka dagan yihiin gobolka Gado.

Balse dhinaca kooxda Al Shabaab ayaa ka hadlindagalada ka dhacayo gobolka Gado.

Magaalooyin badan oo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga qabsaday kooxda Al Shabaab oo awoodeeda militari ay sii wiiqmaysay tan iyo markii ay magalada Muqdissho iskaga baxday dhexbartaamihii sanadkii 2011-ka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: