Calendar

Dagaalo Dhexmaray Ciidamada Huwanta iyo Al Shabaab

Dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada federalka oo garab ka helayo ciidamada AMISOM iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabelladda Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegayo inuu dagaalka geystey qasaaro,, waxana inta ilaa hada la ogyahay ku naf waayay ku dhawaad 10-qofood kuwaas oo badankooda ay ahayeen askartii dagaalamaysay halka dadka ku dhaawacmayna ay gaaryaaan ilaa 20-qofood.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa war faahfaahsan wali kazoo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Leego halkaasi oo isku xerta goboladda Shabelladda Hoose iyo Baay.

Kooxda Al Shabaab ayaa weeraro “Ku dhufo oo ka dhaqaaq” waxa ay ku raadsadsataa ciidamada dowlada iyo kuwo AMISOM ee meelaha badan ka qabsaday iyadoona ay horey weerar noocaas oo kale ay ku dileen taliye sare oo ciidamada dowlada oo gobolka Shabelleadda Hoose joogay.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa doonaya iney gacanta ku dhigaan deeganadda isku xera Baydhabo iyo Muqdisho halkaasi oo haatan la sheegayo inuu jiro isku socodka dadweynaha, wallow mararka qaar uu qalqal galo.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: