Calendar

Gabadhii ugu horaysay ee Brazil Madaxweyne ka noqota

RousseffCod bixiyayaasha Brazil ayaa doortay inay madaxweyne noqoto gabadha Dilma Rousseff oo ka tirsan xisbiga talada haya. Dilma Rousseff ayaa noqotay gabadhii ugu horaysay ee madaxweyne ka noqota Brazil.

Ms Rousseff oo katirsan xisbiga talada haya ee shaqaalaha ayaa ku guulaysatay konton iyo lix boqolkiiba wareegii labad ee doorashada, iyadoo ka guulaysatay Jose Serra oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Social Democrat.

Dilma Rousseff ayaa balanqaaday inay ilaalinayso masuuliyadda ay dad reer Brazil saareen, ayna meel marinayso siyaasado lagu baabiinayo saboolnimada ka jirta Brazil.

Dilma Rousseff ayaa waxaa taageero wayn ay ka haysatay madaxweynaha xukunka ka dagaayo ee Luiz Lula Da Silva kadib markii uu tar tamay laba goor.

___

BBC SOMALI

Comments

comments

Category : Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: