read more »">
Calendar

Horyaalka kubadda cagta ee dalka Ingriiska oo …

images-3Waxaa maanta oo ay tariikhdu tahay 8/15/2009 bilaabmaya horyaalka kubadda cagta ee dalka Ingriiska (Barclays Premier League). Horyaalkan oo mudo badan ay sugayeen taageerayaasha kubadda cagta iyo dadweynaha aadka u daneeya kubadda cagta, dunida dacaladeedana ku kala nool. Ayaa waxaa la’ filayaa in uu noqdo horyaalkani kii ugu xiiso badnaa ama ugu hadal hayska badan in muddo ahi.

Ciyaarta ugu horaysa ee Horyaalka 2009/10 ayaa waxaa ku loolami doona labadda kooxod Chelsea iyo Hull City. Kooxda Chelsea ayaa waxaa macalin iyo maamule ka ah Carlo Ancelotti oo isagu xilka kala wareegay macalinka weyn Guus Hiddink. Kooxda Hull City ayaa iyagu waligood ku badani garoon ay leedahay kooxda Chelsea ee Stamford Bridge, balse barbac dhac kula galay kooxda Chelsea ciyaartii ugu dambaysay ee ay kulmeen labaddan kooxi ee horyaalkii sanadkii la soo dhaafay.

Haddaba anaga oo ah bahda www.Bartamaha.com waxaan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha sida aadka ah u xiiseeya kubadda cagta, meelkasata oo ay dunida dacaladeeda ka joogaanba in ay bogan www.Bartamaha.com kala socon karaan natiijooyinka, wararka iyo falaqaynta guud ee ku saabsan horyaalkan iyo dhamaan ciyaaraha kubadda cagta oo dhanba.

Fadlan halkan ka fiiri isku aadka horyaalka Ingriiska iyo wakhtiyada ciyaaraha oo dhamaystiran

W/Q: Abdirahman Mukhtar

Sawirka: Sumada guud ee premierleague

Comments

comments

Category : Sports.
« »

Comment: