Calendar

Madaxda kala duwan ee Soomaalida oo hambalyo u direy shacbaka maalinta ciida Udxa

Iyadoo ay shacabka SOomaaliyeed si wanagsan oo farxad ku dheehan ugu dabaal dagayaan maalinta ciida Udxadda ayaa hogaamiyaasha kala duwan ee Soomaalida waxa ay fariimo hambalyo ah u direen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda kala duwan ee dowlada federalka Soomaaliya ayaa shacabka kula tukaday salaadda ciid masaajidka way nee isbahayga halkaasi oo sidoo kale ku sugnayeen kumanaan dad weyna ah.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo khudbad kazoo jeediyay masjidka Isbaheesiga ee magalada Muqdisho ayaa dadweynaha ugu direy hambalyada maalinta ciida uu sheegay iney tahay farxad in si nabad ah loogu dabaal dagayo.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole iyo Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Cali Gaas ayaa ciida kula tukaday boqolaal dadweyna ah magalada Garowe, isagoona u direy hambalyo dadweynaha reer Puntland kuwa Soomaaliya iyo caalamka islaamka maalinta ciida awgeed.

Si lamid ahne madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo ayaa dadweynaha magalada Hargeisa kula tukaday mid kamid ah masaajidyada ugu waawayn ee magalada isagoona socod ku maray qeybo kamid ah wadooyinka hargeysa halkaas oo shacabka hambalyo ugu dirayay faraxadda ciida Udxadda awgeed.

Sanadkaan ayaa waxa uu yahay mid kamid ah ciidaha ugu nabadda badan ee soo martay Soomaaliya mudadii 22-ka sano ee dagalada sokeeye ay socdeen.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: