Calendar

R.wasaarihii soomaaliya max,ed c/llaahi farmaajo oo baaq u diray madaxda dalka iney wax ka badalaan hishiiskii kampalla..

R/wasaarihii here ee somaliya maxed cabdilahi maxed farmaajo oo madaxda dowlada ugu baaqay Iney wax ka badalaan hishiiskii kampallauu ku tilmaayay mid aan ka turjumeyn danaha shacabka Soomaaliyeed oo sheegay iney tahay mid lugu kal qeybinaayo umada soomaaliyed.

Hadalkaan ayuu jeediyay xili uu xilka iska warejinaaya r/wasaarihii here md farmaajo  isagow Codasaday in wax laga badalo go,aankii kasoo baxay kampalla uu ku tilmaayay iney tahay caburin Siyasadeed

Sidookale r/wasaarihii hore max,ed c/llaahi farmaajo waxa uu dhaliil cad u jeediyay hishiiskaas Isagoo xusay  ineytahay mid aan ka turjumeyn danaha shacabka soomaaliyeed balse loo Bahanyahay in dib u eegid lugu sameeyo si ay u surta gasho  waxbadan laga gudbo xiligaan kala Guur ah.

Hadalkaan ka soo yeeray r/wasaarihii hore soomaaliya max,ed c/llaahi farmaajo ayaa waxa uu ka Horjeediyay madaxweynaha soomaaliya sheikh shriif sheikh axmed xili lugu guda jiray shaqaka Tagid uu sameynaayay

Md farmaajo ayaa waxa uu codsaday in loga fadhiyo madaxda qaranka sida madaxweynaha iyo Gudoonka barlamaanka ay waxbadan ka badalaan hishiiskaas aan u cuntameyn shacabka Soomaaliyed si laga hortago qalqalka siyaasadeed lona dhameeyo qilaafka xoogan ay ka dhaxjira Barlamaanka gudihiisa.

Si kastaba ha ahtee md farmaajo taladiisa waxa ay ku soo adeeysaa xili uu gabi ahaan shaqada isga Tagayaay balse waxa la rumeysan yahay in waxbadan laga badalo hishiiskaas oo la filaayo in la Horgeeyo barlamaanka kmg soomaaliya.

Xafiiska wararka bartamaha; muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: