Calendar

Reer Dadaab oo iska diiday in dad dheeraad ah loo geeyo

Iyadoo ay dhawaan dowlada Kenya ay sheegtey in dadka qaxootiga Soomaalida ee jooga magaalooyinka ay tahay iney tagaan xeryaha qaxootiga ee Dadhaab ama kakuma oo kumanaan dad ah ay ku jiraan.

Madaxa guddiga nabad galyadda Dadaab Cusmaan Ibraahim, oo Afmaroor ku magac dheer ayaa shegay in dowlada ay jabinayso sharciga Geneva oo dadka qaxootiga ay saxiixen, isla markaane iney sharci siisay dadka adane ay diidayso.

“800,000Kun oo ruux ayaa Dhadhaab ku nool, wixii xal loo waayo ma aha in dowlada ay dib ugu soo celiso halkan – waxa inoo muuqdo in dowlada aysen daryeelayn deekaankan” ayuu yiri Cusmaan Afmaroor.

Waxa uu sheegay in dowlada ay ka dacweyn doonaan maxkamada sare ee dalka Kenya maadama ay xeryaha Dhadhaab ay buuxsameyn.

“Go’aankaas waan kazoo horjeedna oo dowlada ay soo saartey oo dadka jooga magaalooyinka ay dib inoogu keenayso” ayuu yiri madaxa guddiga nabad Galyadda Dhadhaab.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay ineysan ka aheen Soomaali diid iney ka tahay marka ay kazoo horjeestaan dadka in dib loogu soo celiyo, balse uu si sharci ah uu ayaga ugu doodayo ayna xaq u leehyihiin iney meel walba ku noolaadan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: