Calendar

Shacabka degmada Deyniile oo ka cabanayo Ciidanka dowladda

Shacabka ku nool Xaafado ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir ayaa ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmaan qaar ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay warbaahinta ee  Muqdisho ayaa sheegay in rag ka tirsan ciidamada dowladda ay dhibaatooyin adag ku hayaan shacabka ku nool xaafado ka tirsan Degmada Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan Ciise Cabdi.

Sidoo kale mid kamid ah dhalinyarada ku nool Xaafada Ciise Cabdi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dhibaatooyinka ay ka wadaan Degmada Dayniile ay tahay mid adag dhac iyo dilal intaba ay ka geestaan.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in madaxda dowladda Soomaaliya ay wax ka qabtaan ciidamada ka tirsan Dowladda ee dhaca shacabka u geesta.

Shalay ayeey aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya in rag ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya ay Degmada Dayniile ku dileen gabar kamid aheyd dadka deegaanka kadib markii mobeel iyo laabtoop ay ka qaateen.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: