Calendar

Tahriibayaal Soomaali oo gaarey Yemen

Tahriibayaashii ugu badnaa ee Soomaali ayaa 48-saac ee lasoo dhaafay gaaray wadanka Yemen kuwaas oo noqonaya kuwii ugu badnaa ee mudooyinkii ugu danbeyay gaaaray.

Saraakiisha ciidamada xeebaha ee wadanka Yemen ayaa sheegay iney dad xeebaha kazoo dageen 400 oo qofood kuwaas oo ah qqaxooti Soomaali ah.

Dadka ayaa waxa soo dajiyay doomaha yar yare e inta badan ay is ticmaala dadka usoo tahriibayaa wadanka Yemen kuwaas oo la sheegay iney kazoo qaaden xeebaha gobolka Bari ee Puntland iyo xeebaha wadanka Jabuuti.

Sababta xilligan ay dadka Soomaalida ee intaas la eg ugu soo tahriibeen wadanka Yemen ayaan la aqoon, iyadoona ay sanadihii ugu danbeyay ay isdhimeen dadka tahriibayaasha.

Dadka ayaa la geeyay xeryo KMG ah oo lagu diwaan galiyo ka hor inta aah loo gudbinin xeradda Qarass oo inta badan dadka Soomaalida e tahriibayaasha la geeyo.

Waxa ku jira dadka taahribayaasha 130-qofood oo haweyn ah oo da’dooda udhexeyso 16-35-jir iyo 82-caruur.

Yemen ayaa waxa ay kamid tahay meelaha ay aadka ugu badanyihiin qaxootiga Soomaalida kuwaas oo ka gudba xuduuda badda ee Soomaaliya la wadaagto.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: