Calendar

WAR CUSUB:- Al Shabaab oo iskaga baxday Ceel Buur

Wararka aan ka helayno magalada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab oo gacanta ku haysay ay iskaga baxday.

Kooxda Ahlu Suna oo qeybo badan oo goboladda dhexe gacanta ku haysa ayna wada dagalamayeen Al shabaab ayaa sheegtey in saakay ay dhowr deegaan ay iskaga baxeen Al shabaab oo kamid tahay Ceel Buur, Ceel Dheere iyo meelo kale.

Dhinaca Al Shabaab ayaa wax war ah  aan kazoo saarin ka bixista deegaano kamid ah gobolka Galgaduud.

Ahlu suna ayaa magaalooyin iyo deegaano dhowr ah oo goboladda dhexe horey uga qabsatey Al shabaab oo kamid tahay magaalooyinka Dhuusa Mareeb, Guri ceel, Matabaan.

Awooda Kooxda Al shabaab ayaa sii liicaysay tan iyo markii sanadkii hore ay iskaga baxeen caasimadda Muqdishow iyadoona laga wareegay sidoo kale magaalooyin wawayn oo ku jiraan Marka, Baladweyne, Baydhabo iyo Kismaayo.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: