Calendar

Wariyaal ku xanibnaa garoonka Kismayo oo dib loogu soo celiyey Muqdisho

Wariyaal ku xanibnaa muddo kor u dhaafayso 36-sacadood garoonka diyaradaha ee Kismaayo ayaa dib loogu soo celiyey magalada Muqdisho.

Wariyaashaan ayaa iskugu jirey guwa gudaha Soomaaliya ka howlgala iyo kuwa ka howlgala saxafada caalamiga ah waxana ay la socdeen wafdi dowladda oo loo diiday iney galaan magalada Kismaayo.

Diyaaradii qaadi laheed wariyaasha oo aheed iney dib ugu soo laabato marka ay wafdiga ku celisay Muqdisho ayaan soo noqon iyadoona maamulka magalada Kismaayo ay kazoo horjeesadeen iney gudaha u galaan magalada.

Wariyaasha waxa ay xuseen in intii ay joogeen garoonka Kismaayo ay ciidamada Kenya eek amid ah kuwa AMISOM siiyeen meel Teendho ah oo ku hoyadaan iyo waxa ay cunaan, balse la xanibay socodkooda oolagu wargaliyey in garoonka ay mararka qaar soo weeraraan maleeshiyaadka AL Shabaab.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: