Calendar

Yabooha gargaarka Bani’aadamnimo ee Soomaaliya oo shaaca looga qaaday Muqdisho

WAR SAXAFADEED

Yabooha gargaarka Bani’aadamnimo ee Soomaaliya oo saddex sano soconaya oo markii ugu horeeysay shaaca looga qaaday Muqdisho US$1.3 bilyan ayaa sanadka 2013 loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha iyo si loo xoojiyo adkeysiga dadka Soomaaliya.

Yabooh Bani’aadamnimo oo saddex sano ah oo Soomaaliya loogu talogaley ayaa maanta shaaca looga qaadey Muqdisho. Markii ugu horreysey taariikhda ayaa shaac ka qaadista ay ka dhacdey dalka gudihiisa. Yabooha ayaa uu Ku-simaha Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane Stefano Porretti, uu u soo bandhigey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo mas’uul  ka ah arrimaha bani’aadamnimada ee dalka.

Istiraatiirjiyadda bani’aadamnimada ee 2013-2015 waxaa ay beegsaneysaa baahiyaha bani’aadamnimo ee degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed waxaana ay ku taameysaa in ay wanaajiso adkeysiga dadka oo ugu dambeyntana ay wax ka qabato dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee dabadheer ee Soomaaliya ka jira. Codsiga sanadka 2013 waa $1.3 bilyan oo loo doonayo 369 mashaariicda bani’aadamnimada ah oo lala beegsanayo 3.8 milyan qof oo Soomaali gargaar u baahan ah. istiraatiijiyadda waxaa fulinaya 177 isugu jira Hay’ado Qaramada Midoobey, ururro aan dowli ahayn (NGO-yo) oo maxalli iyo caalamiba ah oo ka hawlgala Soomaaliya.

“Kulankani waa mid bani’aadamnimo ee ma ahan mid siyaasadeed. Waa kulankii bani’aadamnimo ee ugu horreeyey ee ka dhaca Muqdisho muddo ka badan 20 sano. Soomaaliya iyo dadkeedu waxaa ay ku faraxsan yihiin in bulshada bani’aadamnimadu ay shaac ka qaadistan noogu soo bandhigeyso dalkeenna gudihiisa.” Ayaa uu yiri Wasiirka, Mudane Guuleed.

“Dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee hadda jira waxaa lagu xallin karaa oo keliya dadaal xooggan oo ay wada sameeyaan qaybaha kala duwan ee iska kaashanaya hawshan oo isugu jira hay’adaha caalamiga ah iyo qaybaha gudaha ee ay kaashanayaan. Waxaan bulshada caalamka uga mahadcelineynaa deeqsinimada ay noo muujisey waqtiyadaan adag iyo taageeridda hawsha bani’aadamnimada ee dalkeenna. Waxaan dhammaan Soomaalida ugu baaqayaa in ay bulshada bani’aadamnimada gacan ku siiyaan wax u qabashada dadkeenna jilicsan.” ayaa uu sii raaciyey hadalkiisa.

Iyada oo 3.8 milyan qof ay gargaar u baahan yihiin, ayaa dhibaatada bani’aadamnimada ee Soomaaliya ay tahay tan ugu xun dunida oo dhan. In ka badan 1.1 milyan oo qof ayaa gudaha ku barokacay; sidoo kale in ka badan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa dalka dibaddiisa ugu nool qaxootinimo.

‘In kasta oo xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya ay weli cakiran tahay, haddana xaaladda haqab-beelka cuntada ee soo wanaagsanaatey iyo xaaladaha ammaanka iyo siyaasadda ee soo if-baxay ayaa ina siinaya fursado cusub oo lagu kala gooyo meertada dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ay sababeen abaarta iyo colaadda’ ayaa uu yiri Stefano Porretti, oo ah ku-simaha Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya. “Xoojinta awoodda ay dadka Soomaaliyeed kula-qabsan karaan abaaraha iyo fatahaadaha ayaan kaga hortegi karnaa in dhibaatooyinka mustaqbalka dhaca ay noqdaan masiibo bani’aadamnimo,” ayaa uu raaciyey hadalkiisa.

‘Waddada lagu gaarayo adkeysigaasi waa mid dheer oo adag. Waxaa muhiimad aad u weyn leh in la sii wado tageeridda hawsha bani’aadamnimada ee Soomaaliya gudaheeda laga fuliyo. Codsiga bani’aadamnimada ee cusub ee saddexda sano waxaa uu keenayaa in si sida hadda ka wanaagsan ay u socdaan barnaamijyada waxaana uu higsanayaa in baahiyaha degdegga ah ee hadda haysta dadka dhibaateysan wax looga qabta si waarta.” Ayaa uu yiri Porretti.

Boqolkiiba konton yabooha gargaarka ee Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ee sanadkii 2012kii ayaa lacag loo heley, iyada oo $668 milyan oo ka mid ah 1.1 bilyan la heley. Yabooha guud ee bani’aadamnimada ee caalamka oo dhan ayaa 14ka Disembar shaaca looga qaadayaa Rooma, Talyaaniga.

OCHA-Somalia

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: