Calendar

Ciidamada Marineska AMISOM oo howl galo ammaanka lagu sugayo ka wada Xeebaha Muqdisho

Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa howl galkeeda waxaa qeyb ka ah Ciidamo Marines ah, kuwaasoo bilaabay inay doomo dheereeya ay ammaanka xeebaha Muqdisho ku xaqiijiyaan.Ciidamadan Marineska oo ka socda Uganda ayaa dhowaan loogu tababaray inay ka qeyb qaataan sugida ammaanka xeebaha Muqdisho, iyagoo doomo dheereeya ku gaaf wareega hareeraha garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho oo ay saldhig ku leeyihiin.

Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu yahay mid isugu jira qeybo badan, sida dhulka, cirka iyo badda, waxaana qorshuhu yahay sidii ammaanka Soomaaliya loo xaqiijin lahaa.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowaan la wareegay magaalooyin xeebeed, sida Marka, Kismaayo, iyo degmada Warshiikh oo Muqdisho ka xigta waqooyi bari.

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: