Calendar

Munaasabadda maalinta Booliska Soomaaliyeed oo lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho

 

Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda ee maanta in munaasab ballaaran oo lagu xusayo maalinta Booliska lagu qabto dugsiga sare ee Jeneraal kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Qaban-qaabada munaasabadda ayaa waxaa ay hadda tahay mid si heer sare ah u soconeysa taasoo la filayop in ay ka soo qeyb galaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha ciidamadsa booliska oo idil gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in ay kawada soo qeybgalaan.

Dugsiga sare ee jeneraal kaahiye ayaa lagu wadaa saacadaha ina soo aadan in ay si tos ah uga billaabato iyada oo hadda goobtaasi uu ka socoto qabanqaabo ballaaran oo ku aadan xuska maalinta booliska Soomaaliyeed oo ku began maanta oo taariikhdu ay tahay 20-ka bisha December.

Wadooyin soo galo xarunta ay munaasabadda ka dhici doonto ayaa dhammaanba la xiray iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan hay’adda nabad sugidda oo baartaanno ka wada halkaasi.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: